Skip to content
Tallaallada joogtada ah waa bilaash xarun kasta oo caafimaad oo dadweyne Details
Hoggaanka

Wasaaradda oo xustay 100-kii maalmood ee ugu horreeyay hoggaanka cusub

21 Agoosto 2026 1 min read 230

Munaasabad ka dhacday Masraxa Dookh ee Garoowe, Wasaaraddu waxay soo bandhigtay dib-u-habaynta iyo horumarka adeegyada ee 100-kii maalmood ee ugu horreeyay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa caawa si rasmi ah u xustay 100-kii maalmood ee ugu horreeyay hoggaanka cusub, munaasabad ka dhacday Masraxa Dookh ee Garoowe. Waxaa la soo bandhigay guulaha la gaaray, oo ay ka mid yihiin ansixinta Xeerka Soo-celinta Kharashka, magacaabista Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka iyo nidaamka kaydka dawooyinka.